Qiiq iyo uuro madow ayaa laga arkayaa Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Somaliland.

Xogo dhinaca amniga ah ayaa xaqiijinaya in si daran-doorri ah madaafiic ugu hoobanayso Gooja-cadde islamarkaana qeyba kamid ah dab ka kacay.

Ciidamada difaaca Shacabka SSC ayaa jihooyin kala duwan kaga durkay Gooja-cadde kadib weerarkii ay saaka qaadeen.

Xogaha ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada Somaliland saaka laga qabsaday Taliskii Maraaga oo ay difaacyo adag kaga jireen.

Dagaalka ayaa qayb-ahaan ka durkay Laascaanood waxaase Ciidamada Somaliland isticmaalayaan hubka waaweyn kaas oo masaafo fog ka soo duqaynaya magaalada.

Duqaymaha qaarkood oo sida lagu warramayo ku soo dhacaya gudaha Laascaanood ayaa khasaare kala duwan sababay.