Macasalaama: Sadio Mane Oo Si Maldahan In Uu Ka Huleelayo Liverpool Kadib Niyad Jabkii Paris.

128

Xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool ee Sadio Mane ayaa si maldahan u sheegay in uu isaga tagayo kooxda Liverpool kadib Final-kii champions League.

Kooxda Liverpool ayaa Guuldaro 1/0 ah kala kulantay Real Madrid kulan ka dhacay Paris kana tirsana atartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxa si weyn loo hadal hayay mustaqbalka Mane iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Bayern Munich inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Ciyaarta kadib Mane oo la hadlaya Sportx ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in uu ahaa kulan la yaab leh, aad ayaan u niyad jabsanahay”.

“Waxa aan u mahad celinayaa taageerayaasha Liverpool iyo Waliba Tababare Jurgen Klopp, kooxdan waxa ay awoodaa in ay gaadho guulo waaweyn”.

Waxa aan kooxda u rajaynayaa in ay gaadho guulo waaweyn adduunka oo dhan mustaqbalka”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here