Maanta waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta looga yeeray wariye Hussein Abdulle Mohamed.
Markii uu tagay Xafiiska ayaa waxaa su’aalo handadaad ah weydiiyay Xeer Ilaaliye ku Xigeen Maxamed Cismaan Maxamed.
Su’aalaha waxaa ka mid ahaa warbixino baaris ah oo wariyuhu horey u soo bandhigay taasoo Xeer Ilaalintu ay dhibsatay. Waxaana ka mid ahaa:
– In Xafiiska Xeer Ilaaliye Sulaymaan Maxamed Maxamuud uu ku lug leeyahay musuqmaasuq, ku takri fal awooded iyo ku been abuurasho xafiiska Madaxweynaha.
-Waxaa sidoo kale la weydiiyay in xubno ka mid ah qoyska Madaxweynaha mashaariic gooni loogu xiray.
Ka dib hal saac oo su’aalo weydiin ah, wariyaha ayaa lasoo fasaxay isagoo loo sheegay in markii la doono dib loogu yeeri karo.
Somali Journalists Syndicate – SJS waxay cambaareyneysaa falkan handadaada ah ee la doonayo in saxafiyiinta waxbaarta lagu cabsi geliyo. Marnaba ma ahan in saxafi lagu handado awoodda sharciga si loo weeciyo warbixinnada musuqa iyo ku takri falka.