Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa amar cusub ku soo rogtay shirkadaha iyo shakhsiyaadka heysta hubka gaarka loo leeyhaya, kaddib wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulkaas Xasan Cabdulqaadir Maxamed.

Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay u xilsaarantahay ilaalinta Amniga Shacabka iyo diiwaan galinta Hubka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.”

Wasaaradda ayaa fartay Dhamaan Shirkadaha, Bangiyadaha,Hoteelada, Hay’adaha NGO-yada iyo Shakh siyaadka Kuwaasoo Isticmaala Hubka Gaarka looleyahay, in ay iska soo diiwaan galiyaan Wasaaradda Amniga, 11 illaa 25 September 2023-ka.

Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeesa, balse maamulka koonfur galbeed waxaa ku soo foodleh doorashada Madaxdaweynaha iyo tan Baarlamaanka, iyada oo Madaxweynaha maamulkaas uu hal sano ku darsaday kaas oo markii dambe xal laga gaaray.

Share.

Leave A Reply