Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu socdo dedaal dib loogu dhisayo waddada Fagax ee muhiimka u ah Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan & Hiliwaa oo burbur xooggan ka muuqdo waddaaas.
Gaadiidka ayaa dhib xooggan ku qaba kaddib markii Biyaha roobka ay burburiyeen waddada, xiliyada roobka uu da’ayo waxaa go’a socodkeeda maadaama biyo degeen uu noqday isgoyskaas, Gawaarida ayaa dhexmarta waddooyinka xaafadaha u dhow.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhibkaan uu kasoo billawday dhismaha lagu sameeyay waddada dheer ee xiriirisa Sanca & Ex Control Balcad kaddib markii biyihii ku hoori jiray biyo-degeen u dhow Isgoyska usoo rogmadeen dhanka waddada 30ka.
Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale oo la kulmay Madaxa Shirkadda EN-EZ ee Turkiga laga leeyahay, Seracettin Aksun waxa uu kala hadlay in dib u dhis waddadaas lagu sameeyo.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in cabasho ay soo gaartay si looga jawaabo arrintaas loo baahday in Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud uu fadhi gaar ah la qaato madaxa ugu sarreeya shirkadda waddadaas dhistay.