Sii hayaha godoomiayah gobalka Hiraan ahna gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo maaliyada Xassan Ibraahin Cabdulle iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay ciidan xasilin ah oo sugi doona amniga magaalada Beledweyne.

Ciidankan oo isku dhaf ayaa ka kooban dhamaan laamaha amniga sida booliska, nabadsugida iyo militeriga ayaa taliye looga dhigay taliyihii hore ee booliska Beledweyne L/X. Maxamed Qorshel.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo maaliyada ahna sii hayaha gudoomiyaha gobalka Hiraan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaa sidii wax looga badali lahaa amniga magaalada Beledweyne.

Ciidankan ayaa durba bilaabay howlgalo aay ka sameeynayaan qaar kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne.