Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cali Fahle ayaa digniin u diray Dad uu sheegay in ay si sharci darro ah u isticmaalayaan Tubooyinka qaada Biyaha iyaga oo ka fogaanaya lacagaha uga baxaya Bulaacadaha u qodan.

Cali Fahle ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen dib u furista Tubooyinka biyaha wasaqda ah qaada oo u xirmay qashin ka yimid dhismaha Ganacsiga iyo kuwa Waxbarashada ee Degmada Hodan ku yaalla oo si qarsoodi ah tubooyinkaas u isticmaala.

Waxa uu sheegay in aanay loo dulqaadan Karin arrintaan oo dhibaato weyn ku ah in tubooyinkaan ay qaadaan biyaha xareedda roobka oo keliya loogu talagalay waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Degmada Hodan.

“Boosaneerka dhismaha ganacsiga & kuwa waxbarashada ayaa lagu xiray Tubooyinka waaweyn ee biyaha qaada, ma ahan wax loo dulqaadan karo, waxaa nalo sheegay in habeen barkii la qodo tubooyinka si bulaacado loogu xiro si aanay buusaneerkooda biyo u galin oo booyad lacag uga qaadan” Cali Fahle Guddoomiyaha Degmada Hodan.

Guddoomiye Cali ayaa dhanka kale u digay Dad uu sheegay in ay dhagaxaan iyo ciid ku jarayaan waddooyinka iyaga oo dood ka dhiganaya in ay difaac ka galayaan Roobka Dayrta ee digniinta dhawaan laga muujiyay halista ka dhalan karta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho waxa uu ka wadaa howlo la xiriira nadaafadda iyo in dib loo furo goobaha ay isugu tagaan Biyaha xareedda ah ee Roobka ka dhasha, halka qaarkood lagu dahaaray biro si aanay dadka ugu dhicin.

Share.

Leave A Reply