Maamulka degmada Ceel-wayne ayaa sheegay in ay ku hawllan yihiin hirgelinta barnaamijka Dalag iyo Daryeel ee dhinaca wax-soo-saarka

56

Maamulka degmada Ceel-wayne ayaa sheegay in ay ku hawllan yihiin hirgelinta barnaamijka Dalag iyo Daryeel ee dhinaca wax-soo-saarka beeraha.

 

Maamulka degmada oo ay u qorshaysan tahay in sannadka 2015-ka t.i in ay beeraan dhul dhan 450 hiktar si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha ayaa waxa ay degmadu wadaan diyaarinta goobihii dhul-beereedka ee loogu talo’galay in wax lagala soo baxo, waxaana goobaha diyaarinta dhul-beereedku ka socdo kormeer ku gaadhay guddiga taakulaynta iyo farsamada ee barnaamijka Dalag iyo Daryeel oo isugu jira heer gobol iyo kuwa degmada Ceel-wayne.

 

Guddoomiyaha degmada Ceel-wayne, mudane Bishaar Aadan Cabdi ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay wadaani sidii ay uga midho’dhalin lahaayeen barnaamijka Dalag iyo Daryeel ee laga dhaqan-gelinayo guud ahaan Deegaanka Soomalida, islamarkaana ay isku dayayaan in ay diyaariyaan dhul-beereed ka badan ka qorshe ahaan loo qoondeeyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here