Maamulka Degmada Cadaado ayaa caawa Xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axemd Cabdi Kaariye (Qooqoor), iyo wafdi uu hogaaminayo oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Cadaado.
Wafdiga Madaxweyna ayaa Cadaado u yimid Dhisamaha Golaha Deegaanka Degmada Cadaado isagoona Madaxweynuhu caawa ku dhawaaqay furitaanka dhismaha golaha Deegaanka.
Dhankakale Madaxweynuha ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib-uheshiisiinta Galmudug Cabdi Maxamad Jaamac (Cabdiwayel) ku amray in labilaabo dhismaha Golaha Deegaanka Cadaado iyo dhismayaasha golayaasha Degmooyinka Galmudug ee aan la heyn Gole Deegaan.