Maamuladda Somaliland iyo Puntland oo qarka u saaran in dagaal ka dhax qarxo, Aqriso.

200

Maamuladda Somaliland iyo Puntland oo qarka u saaran in dagaal ka dhax qarxo, Aqriso.

Xiisad u dhexaysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan nawaaxiga degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa Caawa gaaray duleedka degmada Boocame halkaas oo lagu waday in ay maalinta berri ah yimaadaan mas’uuliyiin ka socda Somaliland.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ka yimid dhinaca Laascaanood ayaa Caawa gaaray meel u muuqata Ciidanka Puntland waxaana laga cabsi qabaa in ay isku dhacaan labada ciidan.

Ciidamada Somaliland ayaa doonaya in ay soo galbiyaan mas’uuliyiinta maamulkaas si ay u yimaadaan degmada Boocame waxaase hor fadhiya Ciidanka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa sida wararku sheegayaan amar ku bixiyay in la ololiyo ciddii Somaliland ka socota oo isku dayda in ay Boocame timaado.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa raba in ay dhinaca koonfurta ka wareegaan kadibna ay tuulada Karin-garfood isku soo sawiraan haddii laga hor istaago magaalada Boocame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here