maamula isbitaalka Ceelbuur oo si yaab leh u difaacay Shabaab

132

– Odayaal ka soo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa beeniyey in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay isbitaalka guud ee degmadaas oo shalay ay soo yeereen warar sheegaya in kooxdu ay la wareegtay, kana saartay bukaanadii ku jiray.

 

Cumar Salaad Faarax oo ah guddoomiyaha guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo dadka deegaanku ay isku tashi ku dhisteen ayaa sheegay in warkaas uu been yahay oo wax culeysa aysan uga imaan kooxda Al-Shabaab.

Cumar ayaa sheegay in marnaba aysan ka suurtaabin in koox kala wareegtay isbitaalkaas ay u ceeb qariyaan, isagoo sheegay in isbitaalkaas uu sidii loogu talo galay ugu shaqeynayo bukaanada deegaanka.

 

Sidoo kale odayaashii kale ee guddiga maamula isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaa sheegay warkaas ay beeninayaan, iyagoo codsaday in lagu gacan siiyo bixinta adeegyada caafimaad ee isbitaalkaas uu u haayo bulshada reer Ceelbuur.

Sida dad ku nool degmadaas ay shalay u soo dusiyeen warbaahinta, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xoog kula wareegtay isbitaalkaas, si dhaawacyadii ka soo gaaray weerarkii Baxdo ay ugu daweystaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here