Ma ogtahay in markii ugu horeeysay Alshabaab aay canshuur toos ah ka qaataan gaadiidka isaga kala goosha Beledweyne iyo Matabaan

214
  1.  islamarkaana aay baro control ka sameysteen?

Ma ogtahay in lacagaha aay qaadan aay u dhaxeeyso 200 ilaa 500 oo dollar?

Ma ogtahay in nikan bootada badan ee maamula Hiiraan uu isna canshuurahaan u qaato 200 ilaa 300 oo dollar?

Ma ogtahay lacagahaas badan inaay kor u qaadeen maciishada Beledweyne, dadkune aay dhib ku qabaan?

Ma ogtahay in markii Cali Jeyte xilka Hiiraan loo dhiibay 3 sano kahor la’isku mari jiray Beledweyne iyo Matabaan iyo Beledweyne iyo Maxaas islamarkaana aay ka shaqeeyn jireen hay’adaha iyo ganacsiga kla duwan balse maanta taas warkeed majiro?

Koleey Hiraan hiil ayuu rabaa, wuxuu ka rabaa kuwa cabsada ee ku matala Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo kan maamulka Hirshabelle.

Qoray Wariye Abdirizak Mohamed Abdulle 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here