Lloyd Austin oo ah Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ka hadlay howlgallada ciidamada Soomaaliya ee ka dhanka ah ‘AS’ ayaa sheegay in horumar wanaagsan oo muuqda ay ka sameeyeen howlgalladaas.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa horumarkaas tilmaamay mid aan la sameyn shanti sano lasoo dhaafay isaga oo bogaadiyay tallaabooyinka ka dhanka ah ‘AS’ ee Ciidamada Soomaalida ay kawadaan furimaha dagaalka.
“Waxa aan filayaa in ay Ciidamada Soomaaliya sameeyeen horumarro ka badan kuwii la sameeyay shanti sano ee lasoo dhaafay” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo Warbaahinta kula hadlay Jamhuuriyadda Jabuuti.
Mareykanka ayaa door firfircoon ku leh howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ waxa ay Diyaaradaha Duulliye la’aanta (Drones) loo yaqaan ay fuliyeen duqeymo waqtiyo kala duwan ka kala dhacay Dowlad-Goboleedyada howlgalladu ka socdaan.
Waxaa intaas dheer Ciidamada Kumaandooska ee gaarka u tababaran ee DANAB ayuu Mareykanka siiyaa taageero dhan weliba ah oo waxaa tababaray saraakiil u dhashay dalkaas oo ku sugan gudaha Dalka.