Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Mohamed Salah Iyo Virgil Van Dijk

26

Kooxda Liverpool ayaa helay war aad ugu farxeen kadib markii ay tababarka buuxa ku soo laabteen xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk kadib dhaawacyadii ay ka soo kabsadeen.

Salah iyo Van Dijk ayaa dhaawac uga baxay final-kii FA Cup-ka ee ay Liverpool ka qaaday chelsea sabtidiii waxana laga wal-walsanaa taam ahaanshohooda.

Laakiin labada xiddig ayaa si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdooda ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka hadii ay tahay premier League ama champions league.

Xiddigaha Liverpool ayaa maanta qaatay tababarkii ay isugu diyaarinayeen Wolves ee horyaalka Premier League waxana tababarka ka soo muuqday labada xiddig.

Salah iyo Van Dijik ayaa haatan la filayaa in ay taam u noqdaan ugu yaraan in ay kaydka ka soo muuqdaan kulanka Wolves ee horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here