Liverpool Oo Garaacday Wolves Laakiin Ku Fashilantay In Ay Ku Guulaysato Horyaalka.

47

Kooxda Liverpool ayaa garaacday kooxda Wolves laakiin aan ku guulaysan horyaalka iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka.

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo ay Wolves ku bilaabatay si dar-dar leh isla markaas doonayay in goolal wakhti hore ah ka dhaliyaan.

Taas ayaa u suurtagshay Wolves waxana ay daqiiqadii 3-aadba dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Pedro Neto kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa

Liverpool ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga laba jibaaray weerarka ay ku qaadayaan kooxda Wolves kuwaas oo difaac galay.

Daqiiqadii 24-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta ku soo celiyay 1/1.

Wixii intaas ka dambeeyay Liverpool ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal kale xilli ay Wolves difaac gashay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro yihiini isla markaas kooxda Liverpool ahayd kooxda fiican.

Qaybta dambe ayay Liverpool sii waday dadaalka ay ku doonayso in ay goolal ku dhaliso xilli ay Wolves difaac gashay dhankeeda.

Liverpool ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal kale xilli ay Wolves iyaduna wax walba u samaysay sidii ay u difaacan lahayd goolka.

Daqiiqadii 84-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Xiddiga Andy Robertson ayad goolasha u dheereeyay kooxdisa daqiiqadii 89-aad isaga oo dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool ku dhamaystay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka kadib xilli ciyaareed cajiib ahaa oo ay soo qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here