HomeMogadishuLataliyaha MW ee Xakameynta qulqulka Hubka Sharci darrada ah oo soo dhaweysay...

Lataliyaha MW ee Xakameynta qulqulka Hubka Sharci darrada ah oo soo dhaweysay howlgalka Ciidamada DF ay ka sameeyeen Dekedda Muqdisho.

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Xakameynta qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya Mako Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay howlgallada Ciidamada ammaanka ay ka sameynayaan Dekedda Muqdisho gaar ahaan kuwa lagu soo qabtay saanadda Militari.

Mako waxa ay sheegtay in la raad-raacayo cid weliba oo ku lug yeelata arrimahaan iyada oo tilmaamtay in aanay marnaba la aqbali doonin in hub ama saanad militari oo sharci darro ah dalka lasoo geliyo waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ugu baaqday in ay xoojiyaan wadashaqeynta ka dhaxeysa si loo dhammeystiro howlaha horyaalla gaar ahaan Xakameynta hubka sharci darrada ah.

“Dowladda waxey wadaa baaritaano la xariira  shaqsiyaadka makriga u maleegayay Umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri usoo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda” ayay tiri Lataliyaha MW JFS ee Xakameynta Qulqulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo jeer soo bandhigtay Konteerano laga soo dejiyay Dekedda Muqdisho kuwaas oo lagu soo qaaday Agab ciidan sida Tooshash, Dhar, agabka Jilbaha ilaaliya, Koofiyadaha adag & kuwo kale.

Dowladdu waxa ay tilmaamtay in ay sii wadeyso howlgallada ka socda Dekedda balse marna sooma bandhigin magacyo ama Dad ay u qabteen kiiskaan inkasta oo ay shaacisay in ay wado baaris wixii natiijo ah kasoo baxdana dib ka shaacin doonto waa sida ay hadalka u dhigtay.

Must Read

spot_img