Lataliyaha Madaxweynaha Xiriirka dowlad Goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim Qoono ayaa hambalyo Ku aadan doorashada Ka dhacday deegaanada Puntland u diray guud ahaan reer Puntland
Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan dowladda Puntland oo ugu horeeyo madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni guushii weyneed ee uu ka gaaray qabashada doorashadii qof iyo codka aheyd ee ku dhisneyd dimuqoraadiyada ee shalay ka qabsoontay dhamaan deeganada dowladda Puntland.
Sidoo kale waxaan u hambalyeeynaa guud ahaan Shacabka Puntland iyo isimada dhaqanka dowladda Puntland oo qeyb Ka qaatay guushaas weyn ee gaartay dowladda puntland ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.