Lambarka cusub ee uu xiran doono William Saliba oo la sii ogaaday xilli afar ciyaaryahan ay xagaagan ka tagayaan Kooxda Arsenal

133

(London) 09 Agoosto 2022. William Saliba oo kulankiisii ​​ugu horreysay ee heer sare ah u saftay Arsenal kulankii furitaanka horyaalka Premier League ee ay wajaheen Crystal Palace ayaa laga yaabaa inuu helo lambar cusub.

Daafaca dhexe ayaa ammaan badan muteystay kaddib markii uu Gunners ka caawiyay inay shabaqeeda gool ka ilaashato, isla markaana ay 5-tii Agoosto guul 2-0 ah ka gaarto Crystal Palace.

Hadda sida ay haatan warinayso Jariiradda Express in haatan William Saliba uu u diyaarsan yahay inuu beddesho lambarka kooxdiisa Arsenal.

Saliba oo Arsenal kaga soo biiray AS Saint-Etienne adduun dhan 27 milyan oo gini sanadkii 2019 ayaa  saddexdii xilli ciyaareed ee ugu horreysay amaah ku qaatay horyaalka Ligue 1, waxa uu ahaa mid aad u wanagsan intii uu joogay Marseille xilli ciyaareedkii hore, kooxdaasoo uu u xirnaa Lambarka 2-aad.

Markii uu ku soo laabtay xagaagan kooxda Gunners waxaa loo gacan galiyay lambarka 12-aad, qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ayuuna soo bandhigay kulankiisii ugu horreeyay ee ka qabsaoomay garoonka Selhurst Park, isagoo qaab ciyaareedkaas ku muteysatay ammaan badan oo uu ka helay taageerayaasha kooxdiisa.

Waxa haatan laga yaabaa in la siiyo maaliyadda lambarka 2-aad ee uu doonayo in uu ku ciyaaro inta uu ku sugan yahay garoonka Emirates, waxaana arrintan ay imaanaysaa iyadoo la warinayo inay Gunners xagaagan ka tagi doonaan afar ciyaaryahan.

Hector Bellerin, kaasoo haatan xiran lambarka 2-aad ee Arsenal ayaa laga yaabaa inuu xagaagan tago, waxaana uu xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay kooxda Real Betis, isagoo ka mid ahaa xiddigihii kooxdaas kula guuleystay Copa Del Rey.

Bellerin, Pablo Mari, Ainsley Matiland-Niles iyo Reiss Nelson ayaa la warinayaa in laga yaabo inay xagaagan ka tagaan kooxda Arsenal, waxaana Saliba uu meel cidlo ah ka heli doonaa lambarka uu jecel yahay ee 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here