Waaxda Caafimaadka Dalka Ciraaq ayaa xaqiijisay in Lamaanihii loogu xafladeynayay Arooska Dabka uu ka kacay ee Waqooyiga Dalkaas ay kamid noqdeen dadka ku dhintay mashaqadaas ee tiradoodu kor u dhaafeyso 113ka ruux.
Axmed Dubardani oo kamid ah howlwadeennada Caafimaadka ayaa Warbaahinta u sheegay in lamaanihii loo xafladeynayay ay kamid noqdeen dadka dhintay, halka ay dhaawacmeen xubno kale oo ehelkooda ah.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay intooda badan waa Haween & Carruur ehel iyo asaxaab la ahaa laamaha is doortay balse ku geeriyooday dabka ka kacay Xafladdooda Arooska sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda.
Weli si dhab ah looma ogaan waxa dabkaas oo tafaasiil kala duwan laga bixinayo waxaase socda baaris guud oo ay wadaan hay’adaha howshoodu tahay si ay uga gungaaraan una shaaciyaan sababta ka dambeysay dabkaas.
La soco wixii kasoo kordha.
Mustaqbal