Ciidmada ammaanka ee Soomaaliya ayaa shalay fuliyay howlgal ay kula tacaaleen weearar ay rag ka tirsanaa Al-Shabaab ku qaadeen xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaase su’aalo badan la iska weydiinayaa sida uu ku dhacay falkaas.

Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda federaalka ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen shan ruux oo shacab ah afar kalena ay ku dhaawacmeen

Maamulka Gobolka Banadir ayaa iyana ka hadlay dhacdadaas wuxuuna Guddoomye ku xiigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banadir Ciise Maxamuud Guure oo saxaafadda la hadlay weerarkaasi ka dib sheegay in si feejignaan leh looga hortagay kooxdii hubeysneyd oo weerarka ku bilowday saddex qarax.

Balse inkastoo xaruntani aanay ahayn meesha kali ah ee ay Al-Shabaab weerareen marar is xig xiga haddana xaruntan ayaa gudaha loo galay waxaana la is weydiin karaa sida ay ku suurta gashay in qaraxyo lagu weeraro xarunta oo ah meel aad ugu muhiim ah dawladda taas oo la filayo in ammaankeedu adkaado.

Waxaa sharaxaya Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa dhacdadan u sababeeyay dhowr arrin waxaana ka mid ah sida uu sheegay saxmadda iyo mashquulka goobta oo ah meel bulshada loogu adeego oo ay adagtahay in la xakameeyo dadka soo galaya.

“Horta midda kowaad waa xarun u adeegta bulshada, taa micnaheedu waxay tahay waa meel ay ciidanka ammaanku ku qasban yihiin in dadka loo oggolaado inay yimaadaan,” ayuuu yiri Maxamed Mukhtar.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in ay xaruntu ku taal meel mashquul ah oo suuq iyo goob basaska laga raaco leh dadka iyo gawaariduna ay ku badan yihiin taas oo ay Al-Shabaab kusoo gabban karaan oo bartilmaameed ka dhigaysa sida uu hadalka u dhigay. “Sidoo kale dhismuhu wuxuu ku yaallaa meel ganacsi u dhow oo dad badan ay dagan yihiiin oo xaafado ah, baabuurtu ay ku badan tahay marka waxaa si aad ah u fudud inay cadowgu kusoo dhawaadaan xarunta gobolka banaadir,” ayuu yiri Maxamed.

Hase yeeshee sida ay sheegeen wararka ay heshay BBC-da, waxaa adag in weerar lagu qaado dhismaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho maadaama dhammaan waddooyinka ku dhow ay xiraan ciidanka amniga.

Al-Shabaab ayey marar kale sidaas ugu suurtagashay in ay weerarro la beegsadaan goobo amnigooda loo sugo si weyn.

Waxaa ka mid ah weerar 24-kii bishii July ee sanadkii 2019 lala beegsaday Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho, kaasoo khasaare baaxad leh dhaliyay.

Guddoomiyihii hore ee gobolka, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow ayaa dhowr maalmood ka dib u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkaas.

Dabayaaqadii bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayey koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab weerar ku qaadeen hoteelka Villa Rose oo ku yaalla xeyndaabka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay muddo saacado badan ah ka dagaallamayeen.

Weerarkani ayaa sida wararku ay sheegayaan waxaa ku dhintay sideed qof oo rayid ah, hal askari oo kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo sideed dagaal yahan oo katirsan Alshabaab, oo ah kuwii ku qaadey weerarka hotelka.

Weerarrada noocan ah ayaan wax sabab ah loo heyn sida ay ku suurtagalaan, iyadoo saraakiisha dowladdu ay ku celceliyaan in Al-Shabaab ay yihiin “dad aan laga dhex aqoonsan karin bulshada kale”.

Markii uu dhacay weerarkii hoteelka Villa Rose ayuu Janaraal Cabdullaahi Aaadan Xuseen “Cirro” oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga u sheegay BBC-da in ay adag tahay si looga hor tago falalka noocan ah.

“Dadkani waa dad adiga kula mid ah, kugu af ah, kugu midab ah, ka mid ah dadka Soomaaliyeed. Marka waa dad khaldan oo adiga kugu dhex nool. Masaajiddada ayey kula joogaan, meelaha aad joogto wey kula joogaan,” ayuu yiri.“Mas’uuliyadda dowladda ayey saaran tahay, ayaga ayaana laga rabaa in haddii Alle idmo aysan dhicin waxa iyo wax la mid ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay sare u qaadday weerarrada qorsheysan tan iyo markii uu xoogeystay ololaha dagaalka ah ee ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedyo is abaabulay, kaasoo sababay in magaalooyin badan looga qabsado Al-Shabaab.

BBC SOMALI