HomeMogadishuLabada Xoghaye ee Golaha Shacabka & Aqalka Sare BFS oo qiimeyn ku...

Labada Xoghaye ee Golaha Shacabka & Aqalka Sare BFS oo qiimeyn ku sameeyay hoolka lagu daah-furayo Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka 11aad.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo dhiggiisa Aqalka Sare ayaa maanta kormeeray hoolka shirarka Baarlamaanka si ay ugu kuurgalaan dib u dayactirka lagu sameeyay.

Labada Xoghaye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa dhinac weliba ka qiimeyay maadaama 29ka May 2023 oo ku beegan Isniinta Todobaadka soo socda uu ka furmayo Kafladhiga 3aad ee BJFS.

Xilliga labada Xoghaye ee Goleyaasha Shacabka & Aqalka Sare ay tegayeen xarunta Golahaas uu ku shaqeeyo waxaa ka socday dib u hagaajin hoolka dhexdiisa ah si dib u dayactir loogu sameeyo muddada kooban ee ka dhiman in aanay u billaaban fadhiyada Baarlamaanka.

Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan iclaamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 3aad oo uu daah-furayo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Shacabka & Aqalka Sare BJFS waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, halka shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka loo gudbin doonno labadaas Gole si ay uga doodaan uguna codeeyaan.

Must Read

spot_img