HomeAfricaLabada garab ee ku dagaalamaya Suudaan oo ku heshiiyay xabad joojin

Labada garab ee ku dagaalamaya Suudaan oo ku heshiiyay xabad joojin

Cidamada Suudan iyo kuwa RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo dagaalka u dhexeeya labadan kooxood uu galay todobaadkii lixaad.

Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay.

“Ciidankiinna qalabka sida waxa ay ku dhawaaqayaan sida ay uga go’an tahay qoraalka heshiiska, waxaana rajeyneynaa in maleeshiyaatka fallaagada ay sidaas oo kale sameeyaan,” ayuu afhayeenka ciidanka ku yiri hadal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, isagoo ula jeeday RSF-ta.

Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga.

Mas’uuliyiinta Suudaan waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa Mudadad 7 maalmood ah ee ay xabad joojinta socota.

Must Read

spot_img