La Ogaaday: Chelsea Oo Iska Diiday Saxiixa Kylian Mbappe, Sabab

164

Kooxda chelsea ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga Kylain Mabppe markii uu 12 sano jirka ahaa laakiin Blues ayaa go’aansatay in ay iska diido sabab la xidhiidha in uuna ahayn mid fiican dhinaca difaacashada.

Xiddiga PSG ayaa tababar tijaabo ah ku qaatay kooxda chelsea sanadkii 2012 markaas oo uu u ciyaaray kooxda AS Bondy.

Mbappe ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub oo ku kacaya 500 milyan oo euro markii uu iska diiday ku biirista Real Madrid

Xiddiga 23 jirka ah ayaa qanciyay maamulka Blues laakiin kooxda ayaa doonaysay in ay tijaabo kale ka qaadaan laakiin hooyadiis ayaa ka xanaaqday arintaas.

Chelsea ayaan qiimayn xiddiga dhinaca difaacashadiisa iyo shaqada uu qabto marka uuna kubada haysan sida dib u raacashada iyo wax la mid ah.

Mbappe ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta iyada oo loo saadaalinyao in uu ka mid noqdo xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here