Madaxweyne kuxigeenka South Sudan Taban Deng Gai ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ah Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo berri dhaceysa.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan ayaa soo dhoweeyay wafdiga, sidoo kale waxaa wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koofurta Suudaan Amb. Camey.