Kumuu ahaa ninka uu maydkiisa garabka ku qaaday Erdogan?

184

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa Jimcadii ka qayb galay aaska hoggaamiyihii bulshada İsmailağa oo janaasada lagula tukaday masjidka Faatix.

Erdogan ayaa ka mid ahaa dadkii garabka ku qaaday naxashka uu ku jiray maydka Mahmut Ustaosmanoğlu oo dhawaan ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul.

Marxuumka oo 93 jir ahaa ayaa in muddo ah la il darnaa xanuun kalyaha ka hayay.

Kumuu ahaa Mahmut Ustaosmanoğlu?

Mahmut Ustaosmanoğlu waxa uu ka mid ahaa wadaad diimeedyada ugu caansan dalka Turkiga, bulsho aad u badanna ay ku xirnaayeen.

Waxa uu ahaa aasaasaha iyo hoggaamiyaha Bulshada İsmailağa ee ku taxan nidaamka diimeed ee dariiqada Naqshbandi ee dalka Turkiga.

Bulshadan waxaa 1980-meeyadii aasaasay wadaadka shalay aaskiisa uu ka qayb galay madaxweyne Erdogan.

Ustaosmanoğlu waxa uu magaalada Tavşanlı ee dalka Turkiga ku dhashay sanadkii 1929-kii.

Geeridiisa oo lagu dhawaaqay maalintii Khamiista ee 23-kii bishan ayaa si wayn u taabatay shacabka waddankiisa.

Wadaadkan oo dadka qaar ay u yaqaanneen Mahmut Effendi ayaa hoggaan u ahaa Muslimiinta Suufiyada ee dalka Turkiga.

Jameecadiisa İsmailağa oo saldhiggoodu yahay magaalada Istanbul ayaa saamayn aad u wayn ku leh dalkaas.

Maydka Sheekh Ustaosmanoğlu ayaa Jimcadii lagu aasay qabuuraha Edirnekapı, halkaas oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda xisbiga talada haya ee Turkiga.

Amniga masjidka janaasada lagula tukanayay ayaa si wayn loo adkeeyay, dadweyne aad u badanna way kasoo qayb galeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka, Gaadiidka iyo Wasiirka Warshadaha ee Turkiga ayaa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii aaska qaran ka qayb gashay.

Madaxweyne Erdogan, oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga AKP ayaa khudbaddii uu halkaas ka jeediyay ku yiri: “Aqoonyahankeenna oo la tagay cilmi iyo xikmad badan ayaan ku sagootinaynaa safarkiisii ugu dambeeyay.”

Waxa uu sidoo kale madaxweynuhu sheegay in uu imaamkan dhageysan jiray markii uu ardayda ka ahaa dugsiga Fatih Imam Hatip.

Ahmet Ustaosmanoğlu oo ah wiil uu dhalay wadaadka geeriyooday ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Dariqada uu noqon doono Hasan Kılıç, oo loo yaqaanno “Hasan Efendi”, sida uu aabihiis ku dardaarmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here