Magaalada Jaisalmer ee gobolka Rajasthan ee dalka Hindiya waxa ay ku taallaa dhul saxaro ah oo ku fidsan boqollaal mayl oo ka baxsan magaalada.
Dhowr kiiloo mitir meel u jirta magaaladan waxaa ku taalla tuulo aad u qurux badan oo lagu magacaabo ‘Kuldhara’, taasoo aan la dagganayn muddo 200 oo sano ah.
Dadkii ku noolaa tuuladan waxay halkaas ka guureen 200 oo sano ka hor, waxayna aadeen meel kale, dib dambena uguma aysan laabanin halkaas.
Tuulada Kuldhara hadda waxaa il gaar ah ku haya Waaxda Arrimaha Taariikhda Dhulka ee dalka Hindiya.
Sida laga soo xigtay dad ku xeel dheer xogta maxalliga ah ee deegaankaas, labo boqol oo sano ka hor markii ay magaalada Jaisalmer aayd gobol qani ah, tuulada Kuldhara ayaa ahaan jirtay meesha ugu farxadda badan gobolkaas.
Inta badan dakhliga dowladda tuuladaas ayuu kasoo xaroon jiray. Waxaa halkaas ka dhici jiray munaasabado isugu jira fantasyo iyo bandhig faneedyo la isugu keeni jiray dadka xiiseeya ciyaaraha iyo dhaqanka.
Laakiin mar qura ayay noloshii tuuladan waji kale yeelatay, waxaana ku dhacay isbaddal taariikhi ah.
Waxay ka bilaabatay gabar arooskeeda la qorsheynayay, oo la sheegay in ay ahayd gabar aad u qurux badnayd.
Ninkii gobolka xukumayay, oo ahaa wasiir wakiil ka ah boqortooyada, oo la oran jiray Salim Singh, ayay indhihiisu qabteen gabadhii quruxda badnayd. Wuu jeclaaday waxa uuna ku adkaystay in uu guursado.
Sida lagu xusay sheekooyinka maxalliga ah, Salim Singh waxa uu ahaa nin xukun adag oo caan ku ahaa in waxa uu rabo aan laga hor istaagi karin.
Laakiin sidaasoo ay tahay, dadka tuulada Kuldhara way diideen in ay Salim Singh siiyaan gabadha uu ka jeclaaday.
Salim Singh waxa uu dadkii xaafadda siiyay dhowr maalmood oo ay ku soo fakaraan. Way ogaayeen in haddii ay oggolaan waayaan waxa uu rabo uu tuulada oo dhan xasuuq ka gaysan doono.
Sida uu dhaqanku ahaa, dadka reer Kuldhara waxay yeesheen shir wadatashi ah oo ka dhacay macbad ku yaallay xaafadda.
Waxay go’aan ku gaareen in ay tuulada oo dhan ka guuraan, gabadhhana qariyaan. Go’aankaas waxaa qayb ka ahaa in aysan waligood dib ugu laabanin tuuladaas si ay gabadhooda iyo xaafaddoodaba u badbaadiyaan.
Dhammaan dadkii xaafadda ayaa habeen madow ka guuray halkaas, waxayna horay usii qaateen alaabtoodii, lo’doodii, raashingoodii dalagga iyo dharkoodii. Marka ay baxayeen waxay ku baxeen si qarsoodi ah oo shanqar la’aan ah. Ilaa hadda sidaas ayay cidlo u tahay tuuladan, qof kalena ma dagin.
Qasrigii Salim Singh wali waxa uu ka dhisan yahay Jaisalmer, balse ma jirto cid dalxiis ahaan usoo daawata.
Guryihii dhagaxa ka samaysnaa ee ku yaallay xaafaddan waxay hadda u burbureen si tartiib tartiib ah. Hase ahaatee burburka xitaa waxaa wali kasii muuqda sida ay xaafaddaas qaniga u ahayd markii la dagganaa.
Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in haraadiga guryaha tuulada Kuldhara wali laga maqlo shanqarta socodka dadkii xilliga habeennimada ah ka baxayay meeshaas.
- Tuulo guryaheeda ay ka sameysan yihiin madaafiic
- Maxaad ka taqaanaa tuulada ‘ashqaraarka leh’ ee dalkeeda ka soocantay?
- Wax ka ogow tuulada aan ubad lagu dhali karin xoolana lagu dhaqi karin
- Tuulo la waayay oo kasoo dhex baxday haro biyo ah
-
Dowladda gobolka Rajasthan ayaa si ay dalxiiseyaal ugu soo jiiddo tuuladan waxa ay dib u dayac tirtay guriyihii qadiimiga ahaa.
Dhismeyaashii macbadyada ayaa wali halkaas ka taagan.
Sanad kasta kumannaan dalxiiseyaal ah ayaa goobtaas u tagay si ay usoo booqdaan tuulada. Dadka deegaanka xitaa xushmad aad u wayn ayay u hayaan tuuladan taariikhda gashay.
Arrin kale oo caan ah oo la aaminsan yahay waa in dadkii xaafaddan dagganaan jiray ay markii ay baxayeen ku habaareen in aan walideed oo dambe la dagin.
Labo boqol oo sano kaddib guuritaankaas, tuuladan wali waxay ka mid tahay saxaraha lama dagaanka ah ee ku dhow magaalada Jaisalmer.
BBC SOMALI