Kulankii ugu horeeyay oo lagu aas-aasayay guddiga isku xirka Hay’adaha ka howlgala Bar

49

Kulankii ugu horeeyay oo lagu aas-aasayay guddiga isku xirka Hay’adaha ka howlgala Bar xuduudeedyada dalka gaar ahaan xuduudaha deegaanada Puntland ay la leedahay dowladaha dariska la ah Soomaaliya, ayaa maant ka furmay Magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Kulankaan oo ay hogaamineysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Hay’adaha kala duwan ee ka howlgala Xuduudaha dalka gaar ahaan kuwa dowlad goboleedka Puntland kuwaas oo ay ugu horeeyaan Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Hay’add duulista Rayidka, Hay’adda dambi baarista CID, Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka degnada Garowe iyo Hay’ado kale oo aan si joogta aheyn uga howlgalo irdaha dalka laga soo galo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Mudane Maax Axmed oo ka soo qeybgakay furitaanka shirka ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay Shirkaan waajibna uu ka saaran yahay Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Iyo Hay’adaha kale ee ka howlgala Irdaha dalka sida (Garoomada diyaaradaha, Dekadaha iyo Xuduudaha dhulka) in ay iska kaashadaan sidii loo hirgelin lahaa guddiga ka howlgalaya Irdaha laga soo galo deegaanada Puntland ee ku teedsan xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto dalalka dariska ah.

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ka qeybgalay shirka ayaa Madaxda iyo Hay’adaha goobjoogga u ahaa kulankaan la wadaagay heerarka kala duwan ee uu soo maray Shirkaan, iyo guddiyadii laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho iyo Kismaayo kuwaas oo iminka si rasmi ah u howlgala. Sidoo kale k/xigeenka Agaasimaha Guud ayaa ku bogaadiyay Hay’adaha goobjoogga ah ka soo qeybgalkooda shirkaan muhiimadda gaarka ah u leh horumarinta xuduudaha dalka.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Degmada Garowe Mudane Axmed Siciid Muuse oo shirka furay ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda abaabulka ay ugu jirto in ay isu keenti Hay’adaha ka howlgala Xuduudaha dalka isla markaana ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan. Gudoomiyaha Axmed Barre ayaa tilmaamay in HSJ ay wadashaqeyn dhow la leedahay Dowladda hoose ee Garowe, isagoo Hay’adaha kalana ka codsaday in ay kala shaqeeyaan dhismaha guddiga isku dhafka ah ee ka howlgalaya Xuduudaha dalka gaar ahaan xuduudaha Puntland la wadagaato Wadamada dariska ah ee dalka xuduudda la leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here