Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka BJFS Mudane Abdullahi Omar Abshir ( Abshirow) Ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann
Guddoomiyaha Safiirada waxa uu kala hadlay arrimaha horumarinta Baarlamaanka JFS iyo sidii loo tayeyn-lahaa shaqaalaha BJFS,
Safiirada ayaa Sido kalle ku amaantay Guddoonka Golaha shacabka dedaalka dheer Ee ku bixiyeen dhismaha Hay’adda ugu sarreysa dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha JFS.
Ugu Dambeentii Guddoomiyaha Ayaa safiirada ku bogaadiyay dedaalka joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.