HomeMogadishuAkhriso:- Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha oo ku baaqay in laga qayb qaato dib...

Akhriso:- Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha oo ku baaqay in laga qayb qaato dib u xoreynta dalka

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa isagoo soo xirayay  Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ka dalbaday in in laga qayb qaato dib u xoreynta dalka iyo dagaalkaa ka dhan kaa ah Alshabaab.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay dhallinyarada siinayso ahmiyad gaar ah, isaga oo xusay in Siyaasadda Qaran ee Dhallinyaradu ay tahay mid qeexaysa doorkooda muhiimka ah.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale xusay in ay ku hawllan yihiin siyaasado iyo barnaamijyo shaqo abuur u ah  dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayuu Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalkaa Soomaaliya   ka sheegay  Shirweynaha Dhallinyarada oo muddo saddex maalmood ah ka socday Magaalada  Muqdisho .

Must Read

spot_img