Ku-simaha madaxweynaha oo soo saaray baaq deg deg ah

158

Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta markale ka hadlay abaaraha ka jira qeybo ka mid gobolada dalka, isaga oo baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha deeq-bixiyaasha.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya, deeq bixiyaasha caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan gurmadka loogu jiro Abaaraha, ka hor inta aysan Abaarta isku badalin Macluul.

“Waxaa ogaanay gobolada qaar dadka jooga in ay u dhintaan gaajo. Waxaa aan soo jidanayaa bilaha September iyo October in gargaarka la kordhiyo, si xili roobaadka ka hor goobaha gargaarka la gaarsiin karo si loo gaarsiiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku baaqay in gurmadka abaaraha ay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza ka bilaabaan goobaha ay joogaan dadka ugu daran ee ay saameysay abaartu.

Hadalka Aadan Madoobe ayaa imanaya xili laga deyrinayo xaalada abaareed ee dalka, islamarkaana la soo warinayo in gobolada qaar dadka ku nool ay u dhinteen Abaarta.

Dhawaan unbey aheyd markii uu Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ee QM khudbad ka jeediyay uu ku sheegay in 7.8 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan xaaladda bini’aadannimo kadib markii ay saameysay abaarta ka jirta dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here