ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidank.

91

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka ku simaha Madaxweynaha JFS iyo saraakiisha Ciidanka ayaa looga hadlay “xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen si nabad ah”. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka BFS.

Dhanka kale ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda, kuwaas oo ku beegan 26 Juun iyo 1 Luulyo.

kulanka ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir, Taliyaha Nabad Sugidda Gobalka Banaadir iyo saraakiil kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here