Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Ku dhawaad 4 saac oo la baarayey guriga madaxweynaha Maraykanka maxaa laga helay?
    Dibadda

    Ku dhawaad 4 saac oo la baarayey guriga madaxweynaha Maraykanka maxaa laga helay?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 2, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Bayaan uu soo saaray ayuu qareenka Mr Biden ku sheegay in baaritaanka Arbacadii uu ahaa mid “qorsheysan” iyadoo madaxweynaha uu “taageero buuxda ka ahaa”.

    Baaritaanka guriga oo socday ku dhawaad afar saacadood ayaa wuxuu la xiriiray baaritaan ballaaran oo ku saabsan maaraynta dukumentiyada xasaasiga ah.

    FBI-da kama aysan hadlin baaritaanka. Maadaama aysan jirin amar baaritaan, ee uu ahaa ogolaansho uu madaxweynuhu bixiyey.

    Qareenka Mr Biden, Bob Bauer, ayaa sheegay in baaritaanka la sameeyay “iyadoon wax ogaysiis hore ah loo siin dadweynaha” si loo dhowro “amniga shaqada iyo sumcadda”.

    Ka dib baaritaanka – oo socday inta u dhaxaysay siddeedii subaxnimo iyo bar ilaa 12-ka duhurnimo wakhtiga maxalliga ah ee Maraykanka – ayaa Mr Bauer wuxuu sheegay in “wax dukumeenti ah oo ku suntan sir; aan laga helin guriga”.

    Qaar ka mid ah “qalabka iyo qoraallada gacanta lagu qoray” oo u muuqda inay taariikhda inta Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeenka ee u dhaxaysay 2009 iyo 2017 ayaa loo qaaday “dib u eegis dheeri ah”, ayuu Mr Bauer sii raaciyay.

    Baaritaanka ayaa ah kii ugu dambeeyay baaritaanno isdaba joog ah oo laga sameeyay meelo kala duwan, kadib markii dukumiintiyo sir ah laga helay Xarunta Penn Biden – oo ah meel xafiis – oo ku taal Washington DC bishii Nofembar. Tan oo markaas aan dadweynaha loo soo bandhigin.

    Baaritaanno la sameeyay bishii Disembar iyo Janaayo ayaa Dukumiintiyo badan lagaga helay guri kale oo Mr Biden uu leeyayah kaas oo ku yaal Wilmington, Delaware,.

    Tirada saxda ah ee diiwaannada sirta ah ee la helay ayaan weli caddayn – in kasta oo ugu yaraan daraasiin la helay intii lagu jiray baadhitaannada bishii dhamaatay ee Jannaayo oo keliya.

    Mr Biden waxa uu sheegay in kooxdiisu ay samaysay “waxa ay ahayd in ay sameeyaan” iyaga oo si degdeg ah ugu wargaliyay saraakiisha, iyo in ay si buuxda ula shaqaynayaan baaritaanka.

    Ka dib baaritaanadii ugu horreeyay ee Janaayo, Mr Biden wuxuu u sheegay saxaafadda in galalku ay ku jireen garaash qufulan.

    “Ma aha in ay jidka iska yaalleen,” ayuu yidhi.

    Baaritaankii ugu dambeeyay ayaa imaanaya maalin kadib markii la taliyaha gaarka ah Robert Hur uu si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa kormeerka baaritaanka dukumentiyada.

    Madaxweyne Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Mike Pence ayaa sidoo kale waxaa hadheeyay muran ku saabsan habka loo maareeyo dukumentiyada sirta ah.

    Kiiska Mr Pence, “tiro yar oo dukumeenti ah oo ku suntan sir ” ayaa laga helay gurigiisa oo ku yaal Karmel, Indiana, sida ku cad warqad uu qareenkiisu u diray kaydka qaranka . Dukumeentiyada waxay FBI-du ka soo saartay meel aamin ah oo guriga ka mid ah 19kii Janaayo, iyadoo laba sanduuq oo dheeraad ah la geeyey Kaydka qaranka 23kii Janaayo.

    Baaritaan bishii Ogosto ee sannadkii 2022 lagu sameeyay hoyga Mr Trump ee Mar-a-Lago estate kaas oo ku yaalla Florida ayaa laga helay daraasiin sanduuqyo ah iyo ilaa 11,000 oo dukumeenti ah, oo ay ku jiraan ilaa 100 Dhukumenti oo ku suntan inay sir yihiin.

    Amarka baaritaanka ayaa yimid ka dib markii qareenada u doodaya Mr Trump ay sheegeen in la soo celiyay dhammaan xogta dowladda. Mr Trump ayaa marar badan dafiray inuu wax khalad ah sameeyay wuxuuna ku andacooday inuu kala shaandheeyay dukumeentiyadii uu qaatay.

    Baaritaanka waaxda cadaaladda ee ka dhacay guriga fasaxa ee Joe Biden ayaa ku daraya hal wareeg oo dheeri ah oo ku saabsan dukumiintiyo sir ah oo soo jiitamayay ku dhawaad hal bil illaa hadda, waxaana ka mid ah wareeggan cusub lataliye gaar ah oo kormeeraya baaritaanka.

    Tallaabada FBI-da ayaa muujin karta diyaar garowga iyo sida ay kooxda Biden u filayeen dib u eegista dukumeentiyada ku kaydsan hoygiisa gaarka ah. Inta badan, qareenada Biden waxay samaynayeen dib u eegis iyaga u gaar ah oo ka dhacaysay guryaha gaarka ah ee madaxweynaha iyada oo aan baarayaasha dawladdu qooraansanayn. In kasta oo ay ka heleen waxyaabo sir ah guriga madaxweynaha ee Wilmington, waxay sheegeen in aan dukumentiyadan laga helin guriga xeebta ee madaxweynaha.

    Ugu yaraan, baaritaanka ayaa gacan ka geysan doona in la damiyo qaar ka mid ah walaaca ay muujiyeen Jamhuuriga ee ah in dowladdu ay Mr Biden ku hayso baaritaan iyo tuhun ka hooseeya kii Donald Trump lagu sameeyay, oo ay FBI-du baartay hantidiisa Mar-a-Lago bishii Ogosto ee sannadkii hore. Markii ugu horeysay ee qareenada Mr Biden ay shaaca ka qaadeen inay ka heleen alaabo sir ah gurigiisa iyo xafiiskiisa gaarka ah, madaxweynihii hore, afhayeenka aqalka Kevin McCarthy iyo mucaarid kale waxay si cad ula yaabeen sababta madaxweynaha hadda jira aanay sidoo kale u bartilmaameedsanin baarayaasha dowladdu.

    Hadda, si kastaba ha ahaatee, difaacayaasha Mr Biden ayaa tilmaamaya in guryo badan oo Biden leeyahay la baaray, balse ma jirto wax muujinaya in FBI-du ay baaritaan ku sameysay guryaha Mr Trump ee New Jersey iyo New York.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Khamiis Ah 02-da February
    Next Article Akhriso:- Sababta dawooyinka qaar iyo shaaha ama qaxwaha loo kala ilaaliyo

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Shirka Wasaaradaha Amniga iyo Taliyaasha Booliiska oo Kismaayo ka furmay (Sawirro)

    March 8, 2023

    Masaxweyne kuxigeenka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Daahfuray shirka Wasaaraddaha Amniga heer Fadaraal iyo…

    Daawo:- Muqaal” Odayaasha Degmada Moqokori ee Gobalka Hiiaan oo baaq u diray Dowladda Soomaaliya iyo Hirshabelle.

    March 21, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.