Kooxo hubeysan ayaa dhaawac u geystay wiil dhalinyaro ah Baledweyne.

367

Kooxo hubeysan ayaa Caawa dhaawac u geystay wiil dhalinyaro ah oo ku nool xafada Buundaweyn ee Magaalada Baledweyne.

Dhaawaca wiilkan dhalinyarada ah oo ah mid fudud ayaa yimid ka dib markii ay kooxda hubeysan ay isku dayeen in ay taleefan uu watay ka dhacaan.

sidoo kalle tiro kalle oo ka mid ah dadka ku nool xafadaas ayaa caawa siyaabo kala duwan looga dhacay taleefanadooda.

in dadka laga qaato wax yabaaha ay wataan xilliyada habeenkii ayaa mudooyinkii danbe ahaa mid aad ugu badan Magaalada Baledweyne gaar ahaan xaafada Buundaweyn.

 

#Sidee arinkan soo laalabtay wax looga qaban karaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here