Labo Muwaadin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin ayaa kooxo burcad ah ku dileen deegaanka Philipi oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay dileen labadaan Muwaadin, kuwaas oo ganacsi ku lahaa magaalada lagu dilay. Waxaana goobta ka baxsaday kooxda burcadka ahayd ahayd ee dilka geystay, iyaga oo horay u sii qaatay alaabo muhiim ah oo ay dhaceen.

Laamaha ammaanka Koonfur Afrika oo goobta gaaray ayaa baaritaanno ka sameeyey, balse kuma guuleysan in ay soo qabtaan burcadka dilka geystay, iyaga oo sheegay in ay weli baarintaanka wadaan, kolka ay dhammeeyaan ayna ka soo saari doonaan natiijada baaritaankooda.

Dhacdadani maaha middi ugu horreysay ee loo geysta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas. Bishii hore ayey ahayd markii Muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kale loogu dilay dalka South Afrika xilli u uku guda jiray goobtiisa shaqo.

Weerarada soo noq noqday ee lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa walaac ku abuuray bulshada Soomaaliyeed iyo dadka u dooda in la badbaadiyo. Dhacdooyinkan ayaa muujinaya baahida degdega ah ee loo qabo in wax laga qabto caqabadaha amni ee ay la kulmaan dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan.

Share.

Leave A Reply