Kooxda Chelsea Oo Badalka Romelu Lukaku Ka Arkootay Premier League

89

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Everton ee Richarlison.

The Telegraph Ayaa sheegaya in ay Tottenham ahayd kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga reer Brazil laakiin chelsea ayaa haatan dar-dar la soo gashay saxiixa xiddiga.

Chelsea ayaa ku rajo weyn in ay ku guulaysato saxiixa xiddiga reer Brazil kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarka kooxda xilli ciyaareedka dambe

Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu xiddiga Richarlison ka dhigo badalka Romelu Lukaku kaas oo lala xidhiidhinayo ka tagista kooxda.

Kooxda Everton ayaa lagu soo waramayaa in ay dalban doonto ugu yaraan 70 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga reer Brazil ee Richarlison.

Richarlison ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxaha Man United, Arsenal iyo Real Madrid kuwaas oo dhankooda doonaya saxiixa xiddiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here