Koonfur Galbeed Oo Maamul Cusub U Magacaawday Degaan Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

21

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa maamul cusub  u magacaabay deegaanka Lafoole ee hoostega degmada Afgooye, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha.

Guddoomiye Ibraahim Najax ayaa waxaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa Guddomiyaha cusub ee deegaanka Lafoole loogu magacaabay inuu noqdo Nuur Ibraahim Cismaan, halka Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda deegaanka loo magacaabay Maxamed Cabdi Dalable.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga deegaanka Lafoole u magacaabay Maxamed Cabduqaadir Khaliif iyo Maxamed Cabdi Maxamed Afare laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada deegaankaas.

Magacaabista Maamulka cusub ee deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka dambeeysay, kadib markii la arkay baahi loo qabo maamul cusub, si loo dardar-geliyo adeegyada bulshada oo ay u baahan yihiin shacabka.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa laamaha amniga deegaanka iyo kuwa maamulka Gobolka faray inay la shaqeeyaan Maamulka cusub ee loo magacaabay deegaanka Lafoole ee hoostega degmada Afgooye.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here