Klopp Oo Balanqaad u Sameeyay Taageerayaasha Kooxdiisa Kadib Niyad Jabkii Paris.

98

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u balan qaaday taageerayaasha kooxdiisa in ay xilli ciyaareedka dambe ku tartami doonaan koobabka waaweyn.

Reds ayaa champions Legaue u wayday Real Madrid inkasta oo ay ahayd kooxda fiican guud ahaan ciyaartu intii ay socotay.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedka ku dhamaystay koobabka FA Cup-ka iyo Carabao cup-ka isla markaas kaalinta 2-aad kaga dhamaystay premier League.

Klopp ayaa sheegay in uu haatanba sii goosan doono Tigidhka hudheelka magaalada Lagu qaban doono Final-ka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Final-ka champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa lagu qaban doonaa magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkey.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan qabaa dareen xoogan oo ah in aan mar kale soo laaban doono, kooxdan waa kuwo tartan jecel waxana aan mar kale tartami doonaa xilli ciyaareedka dmabe”.

“Halkee lagu qabanaa Final-ka Xilli ciyaareedka dambe? Istanbul? hadaba hada ayaan sii kiraysanaa Huteelka aan dagayo”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here