Hoggaamiyaha Ururka Xisbullaahi wadaadka lagu magacaabo Sheekh Xasan Nasrallaah ayaa maanta salaadda Khudbo kaddib waxa uu jeedinayaa khudbad uu uga hadlayo dabka Israaiil ay ka holcineyso Bariga Dhexe, hanjabaadda ay jeedisay & arrimo kale.

Waxaa indhaha lala wada raacayaa hoggaamiyaan aanay inta badan hadalka badnayn ee hoggaamiyaha Ururka hubeysan ee meelmihii u dambeeyay gantaallada ku tuurayay dhinaca deegaannada ay xoogga ku heysato Israaiil.

Dadka wax falanqeeya ayaa khudbadda Xasan Nasrallaah si hordhac ah ku sifeeyay in uu xoogga ku saari doonno labo qodob oo kala ah:

1-In uu iclaamiyo (Ku dhawaaqo) dagaal ka dhanka ah Israaiil si looga hortago dhibaatooyinka ay ka geysaneyso Bariga Dhexe gaar ahaan xasuuqa ay kula dhaqaaqday Shacabka Dulman ee Falastiin oo ay ka dishay kumanaan ruux.

2-In uu Taageerayaasha iyo dagaalamayaasha Xisbullaahi uu ugu baaqo in ay dagaalka ka dhanka ka ah Yuhuudda ay ku biiraan maadaama Israaiil ay ku hanjabtay in ay Bayruut ka dhigi doonto sida Magaalada Gaza oo kale.

Khubarrada falanqeeya arrimaha Xisbullaahi oo si hordhac ah usii saadaalinaya khudbadda Hoggaamiye Xasan Nasrallaah iyo gantaalladaa ururkaan uu dhowaan ku burburiyay kaamirooyinka & anteenooyinka Israaiil ayaa halkaas kala dhex baxaya in dagaal uu soo jeedin doonno.

Sheekh Xasan Nasrallaah waxa uu ururka Xisbullaah hoggaaminayaa tan iyo 16 February 1992 isaga oo marar kala duwan dagaallo toos ah iyo duqeymo uu ururkiisa kala hortagay Ciidanka Israaiil oo damcay in ay dhul-ballaarsi sameeyaan.

Xisbullaah iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa la isku xiraa waana tan keentay in Mareykanka, Israaiil & Dalalka xulufada la ah ay aad uga cabsadaan haddii ay duulaan ku qaadaan in xaaladda bariga dhexe mar qura is baddeli karto.

Waxaa intaas usii dheer dhinacyo kale oo fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya, Ciraaq iyo Kooxda Xuutiga ah ee Yemen ku sugan kuwaas oo idil oo loo arko in ay xulufo la yihiin Dowladda heysata Nukliyeerka ee Iiraan.

La soco khudbadda Xasan Nasrallaah

Share.

Leave A Reply