Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Puntland

193

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan is rasaaseyn Galabta Xeebta Magaalada Boosaaso ee Gobolla Bari ku dhexmartay Ciidamada Booliska Puntland iyo kuwa PSF.

Is rasaaseynta ayaa ka dambeeysay kadib markii Xeebta Magaalada Boosaaso ay tageen Ciidamo katirsan kuwa Booliska, halkaas oo Maalinta Jimcaha ah ay dadka u damaashaad tagaan, waxaana uu khilaaf dhexmaray Ciidamada PSF oo inta badan ilaaliya Xeebaha Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta ay ku dhinteen kaba qof oo mid Shacab yahay, waxaana sirasmi ah weli loo cadeyn sababta iska-hor-imaadka keentey hase ahaatee ciidanka PSF ayaa inta badan suga ammaanka meelaha laga galo xeebta halkaasi oo dadweyne badan ay ku jimcaystaan maanta oo kale.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaan weli ka hadlin dhacdadaan, iyada Galabta aad looga hadal haayo Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan Gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here