Wariye Khaalid Ilkacase, waxaa uu ka mid yahay wariyaasha ka howlgala warbaahinta Qaranka Gaar ahaan gobolk Hiiraan.

Waa Wariyaha kaliya ee warbaahinta Qaranka ee tagay furrinta dagaalka Khawaarijta looga xorreynayo gobolka Hiiraan, waxaa uu camaradiisa uu asaga gatay oo gaarka u leeyahay, xooggiisa iyo xirfadiisa ku garab istaagay Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka, si dalka xorreeyo Khawaarijta Al Shabaab, asaga oo wasaaradda Warfaafinta ka helin wax xaquuq ah.

Wariye Khaalid waxaa uu ku dhaawacmay qaraxii Khawaarijta ay la beegsatay kolonyo uu la socday oo marayay agagaarka Matabaan gobolka Hiiraan.

03/10/2022 Waxaa uu ka badbaaday Qaraxyadii ka dhacay magaaladda Baledweyne, waxaa kusoo dumay dhismahii idaacadda Radio Baledweyne,

04/01/2023 waxaa uu ka mid noqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay magaaladda Maxaas gobolka Hiiraan.

Wariye Khaalid Ilkacase Shaqadaas uu u haayo Qaranka Soomaaliyeed kuma helin wax xaquuq ah ama garab istaag ah oo ay siiyay wasaaradda uu u shaqeynayay, xitaa mudnaan gaar ah.

Gobolka Hiiraan warbaahinta Qaranka waxaa uga soo warranta Ilaa shan Wariye marka laga reebo hal Ruux inta kale kuma jiro qof Qaata xaquuq ama gunno, qaarkood 10 sanno ka badan ayey ka shaqeynayeen, halka qaarna ayaga oo qaata inta laga jartay kadib la siiyay dad Qaraabo ay yihiin ragga meesha maamulo.

Hadaba maxay tahay sababta ay ku dhacday in reerkaan Gobolka Hiiraan dagan si gaar ah loogu bartilmaameedsado wasaaradda Warfaafunta hadii ay joogaan gudaha xarunta Muqdisho ama gobolka Hiiraan.

NB: shaqsiga reerka gobolkaas dagan, Xawaadle ee xil ka qabta habayaraade waxaa lagu qaada dagaal saf balaarran ilaa uu isaga cararo wasaaradda ama uu isaga taggo xaquuqdiisa, kuwa shaqaalaha caadiga ahna waxaa ay ku dhiban yihiin in ay ka hellaan xaquuqda ay ku leeyihiin sidda Khaalid Ilkacase oo kale.