Wasiirrada Difaaca Dalalka Kenya iyo Mareykanka ayaa Magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis dhinaca Difaaca ah oo soconaya muddo shan sano ah si loo xoojiyo la dagaalka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ sida lagu yiri war kasoo baxay labada dhinac.

Aadan Barre Ducaale oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa dhiggiisa Mareykanka Lloyd Austin la wadaagay xogaha la xiriira howlgallada Ciidamada dalkaas u dhashay ay ka kala wadaan Soomaaliya iyo Haiti.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa soo dhaweeyay doorka firfircoon ee Dowladda Kenya ka qaadaneyso dib usoo celinta xasiloonida & kala dambeynta Dalka Haiti oo ciidan loo dirayo si Dowladdaas ay u hesho awood ay isaga caabiso kooxaha hubeysan.

Sidoo kale Austin ayaa Kenya ayaa ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadaneyso howlgalka Kumeel-gaarka ah Midowga Afrika ATMIS ee Soomaaliya ka socda iyo in askarta Kenyanka ah ay adkeeyaan Amniga Xadka si looga hortago weerarrada ‘AS’.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa todobaadkaan bogaadiyay howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo tilmaamay in laga gaaray guullo muhiim ah oo muuqda.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in la sameeyo tallaabooyinka lagu hubinayo sidii aanay dib usoo laaban lahayn ‘AS’ loogana hortagi lahaa halista mar weliba dhankooda ka imaaneysa waa sida uu hadalka ud higay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin.

Share.

Leave A Reply