Kenya iyo Soomalaiy: Dhowr jeer oo hore oo ay foodda is dareen

159

Shalay ayaa waxaa dhacaday in Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.

War ay markaasi ka dib soo saarrtay safaaradda Somaaliya ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay si ula kac ah u martiqaadday qof ka Socday Somaliland oo qoraal ka soo baxay safaaradda uu ku tilmaamay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in ay sharraxaad ka bixiso xagudub ay sheegtay in loo geysatay madaxbannaanida Soomaaliya kaas oo ka yimid Jamhuuriyadda Kenya sida qoraalkaasi xusay.

Dhinaca kale, war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay inay aqoonsan tahay madaxbanaanida iyo jiritaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Waxay sheegtay inay ka ‘qoomamaneyso in calanka Somaliland ee sida khaldan uga soo muuqaday shirkii diblumaasiyadda’ ee ka dhacay Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya waxay sidoo kale sheegtay inay ka xun tahay dhibaatada ka dhalatay arrintaas.

War saxaafadeed ay soo saartay dowladda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Soomaliland ayaa dhankeeda waxa ay ku sheegtay in ka carootay ficillada uu sameeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambasadoor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaas oo ka baxay shirka shalay.

Ma ahan markii ugu horreysay ee uu Khilaaf soo kala dhexgalo Kenya iyo Soomaaliya taas oo ku saabsan diblomaasiyadda iyo madaxbannaanida labada dal.

Haddaba waxaan halkaan ku eegeynaa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waayeynaa ee labada dal ka dhex qarxiyay khilaaf cirka isku shareeray.

1: Gooni isu Tagga Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sannadkii hore yimid magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxa uuna kulamo la qaatay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu marti u yahay madaxweyne Muusa Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynihii labaad ee Somaliland ee ay Kenya martiqaaddo. Madaxweynihii hore, Daahir Riyaale Kaahin ayaa Kenya ku yimid booqasho ka dib casuumaad uu ka helay madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki.

Balse safarka madaxweyne Biixi ayaa ku soo aaday xilli ay xasaasiyad adag ka taagan tahay Bariga Afrika, taas oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Kenyatta aysan ka mid ahayn jaadka. “Waxaa laga wada hadlayaa labada dal maxay wada qabsan karaan,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale markaasi sheegay in Uhuru ay kala hadleen sidii Somaliland loogu aqoonsan lahaa in ay tahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya.

“Dowlad kasta iyo cid kasta oo aynu aragno, muhiimadda koowaad waa aqoonsi oo aan nin walba kala hadalno,” ayuu yiri Biixi.

Wuxuu intaas ku daray in labada dowladood ay dhowaan qorsheynayaan in la ballaariyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in bilowga sannadka soo socda ay Kenya qunsuliyad ka furan doonto Hargeysa.

2: Murankii Badda

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-kii ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda ee Adduunka ee ICJ, dacwad ka dhan ah Kenya.

Ugu dambeyn Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee Netherlands ayaa bishii Octobar soo saartay go’aan ku aadan dacwaddii ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda, kana dhan ahayd sheegashadii Kenya ee dhul badeedka Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa dhul badeedka inta badan u xukuntay Soomaaliya. Kenya ayaase ku gacanseyrtay go’aanka maxkamadda.

3: Khilaafkii diblimaasiyadda

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr goor ka kulmay xallinta khilaafka soo noqdnoqday.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore ku dhawaaqday in xirirka u jarta Kenya oo 29-kii bishii November, war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

“Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in faragelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, oo arrintaas ka hadlayay markaasi ayaa wuxuu wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi u sheegay in xukuumadda Kenya ay ka xuntahay go’aanka Soomaaliya ay ugu yeeratay safiirkeeda, waxa uuna ballan qaaday in labada dal ay arrintan si diblomaasiyad ku saleysan uga wada xaajoon doonaan.

Heshiiskii aan dhaqangelin ee 2019

Bishii November ee sannadkii 2019-kii, waxaa Nairobi ku kulmay Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada saxiixdeen heshiis lagu soo afjari lahaa khilaafka labada dhinac.

Heshiiskaas oo aan dhaqan gelin wuxuu u qornaa sidan:

  • In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  • In duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  • In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya
  • In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

4: Jaadka

Ganacsiga Jaadka waxaa horey loo joojiyay dhowr goor, waxaana ka mid ahayd sannadkii 2016-kii, kaddib xurguf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex gashay labada dal.

Arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay ganacsatada jaadka ee Kenya oo sheegay in ay khasaareen lacag aad u badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sanadkii hore ee 2021 amartay in la hakiyo duulimaadyada rakaabka kenya ka imaan jiray iyo qaadka taasoo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynaya fafitaanka fayraska Korona. Tan iyo markaasi dowladda ayaa dib u fasaxday duulimaadyada maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, balse xayiraadda qaadka ayaa wali taagan.

ganacsiga jaadka ayaa u dhigma malaayiin dolar iyadoo ganacsatada jaadka ee Kenya ay sheegeen in khasaare badan uu ka soo gaaray xayiraadda.

Jaadka ugu badan ee Somaliland wuxuu ka yimaadaa Itoobiya, wax hakad ah oo ku yimidna ma jirin.

Dowladdan Cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgii toddobaadkan sheegtay inay xaqiijineso in heshiisyo uu ka mid yahay qaadka ay la galeen Kenya ka dib markii dolwadda Kenya ay sheegtay in Soomaaliya ay u ogolaatay inay dullimaadyadii qaadka dib loo soo celin deoono.

Xigasho BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here