Kamid noqoshada Haweenka ee Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya.

155

Haweenka Soomaaliyeed oo qoondo ku leh Xukuumadda laga sugayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kamid ah dhinacyada indhaha ku haya Xukuumaddaas si ay u xaqiijiyaan kootada Dumarku ku leeyihiin.

Dood ku saabsan Kamid noqoshada Haweenka ee Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya oo ay iska kaashadeen Dalladaha Bulshada Rayidka ee kala ah SONSA, PUNSA & Madasha Doodsan ayaa lagu falanqeeyay sida Dumarku u heli karaan qoondada boqolleyda ah.

Doodda waxaa ka qaybgalay Duniya Maxamed Cali (Duniya Carshaan), Gudoomiyaha Gudiga Hafnaanta iyo Ilaalinta Bulshadda Rayidka, Ururadda Haweenka iyo Hay’adda IIDA ka mid aheyn & Saynab Maxamed Xasan (Saynab Siraad) Agssimaha Xarunta horimarinta Haweenka), Xubin Bulshadda Rayidka.

Saynab Maxamed Xasan, ayaa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ugu baaqday in haweenku ay ka muuqdaan boosaska kala duwan si loo helo qoondadooda.

“Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxa aan ka rajeyneenaa Haweenka ahmiyaddooda siiyaan, Gabdhaha meelaha ugu hooseeya aan la geyn oo Xafiisyada qudhooda lagu jaangooyo Gabdhaha & Wiilashada oo si shaqada loo wada siman yahay loo qabto” Saynab Maxamed Xasan.

Dunida & Saynab ayaa sheegay in door firfircoon Dumarku ay ka qaataan howlaha Geedi socodka Soomaaliya gaar ahaan Doorashooyinkii Dalka ka dhacay, waxa ay tilmaameen in ay la socdaan qoondada Haweenka laga siiyay Baarlamaanka 11aad.

Dunida Maxamed Cali (Duniya Carshaan) ayaa sheegtay in ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo ay kala hadleen sidii uu u xaqiijin lahaa qoondada Dumarka ay ku yeelanayaan Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

“Kulamo aan badnaan ayaan la qaadanay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo aan kala hadalnay qoontada Haweenka oo talo & tusaale aan ku siineynay inkasta oo ay yihiin Dad goobjoog u ahaa 30kii sano burburka Dalka uu soo maray, Kaalinta Haweenku waa door aan qarsaneen, marna kor ayuu u kacayaa marna hoos ayuu u dhacayaa qoondada Haweenka, mar kasta miiska go’aan gaarista ay gaarayaan Ragga waxaana tusaale ah heshiiskii 17kii September” Duniya Carshaan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn waxaa Xukuumaddiisa laga sugayaa in magacaabisteeda kusoo gabagabeeyo 4ta August 2022 sida ku xusan 10kii cisho ee dheeraadka ahaa ee uu ka helay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here