kamarada: Maxaad ka taqaanaa warshaddii sameyn jirtay Sunta halista ah ee uu Ruushka ku aamusin jiray cadowgiisa?

97

Dadka qaar ayaa sheegay in hindisiha sameynta warshaddaan uu ku bilowday, ka dib markii uu faalig ku dhacay sannadka markuu ahaa 1922-kii, hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Midowga Soofiyeeti, Vladimir Lenin, wuxuu ka codsaday dhaxal-sugahii Midowga, Josef Stalin, inuu siiyo sunta cyanide si uu isu dilo balse Stalin waa uu ka diiday.

Qaar kale ayaa waxay ku andacoonayaan inay arrintan bilaabatay ka dib markii kacaankii hantiwadaaga uu toogtay Lenin 1918. Dhakhaatiirtiisu waxay go’aamiyeen in rasaasta lagu dahaaray sunta curare resin. Laakiin waxa ilo-wareedyada ay kuraacsan yihiin ayaa ah, in amarka Lenin horraantii 1920-meeyadii lagu aasaasay warshadda sunta ee Kremlin-ka.

Hay’adda cilmi-baarista ah, oo uu Soofiyeedku habab cusub u ikhtiraacay taas oo lagu sumeeyo cadawga dawladda, iyada oo aan raad laga tegin, asal ahaan waxay ka timid Czech, oo ahayd goobtii ugu horreysay ee ururrada sirdoonnada siyaasadda iyo milatariga ee Soofiyeedka, hawsheeduna ay ahayd “caburinta iyo baabiinta” fal kasta oo ah “kacaan-diid.”

Magaca Adeegga qarsoon ee Soofiyeedka ayaa is bedbeddelayay dhowr jeer, kaas oo markii hore la oran-jiray “Special Chamber” markii dambena loogu yeeri jiray Shaybaarka 1-aad, Shaybaadhka X iyo Shaybaarka 12-aad, ka hor inta aan markii dambe loogu baddelin magaca kamarada taas oo hoos timaadda Stalin.

kasta oo ay weli daahsoon tahay, haddana faahfaahinta shaqadii qarsoonayd ee warshadda ​​ayaa daaha laga qaaday ka dib burburkii USSR, wixii ka soo baxayna waxay xaqiijiyeen cabashadii ay mucaaradka hore u shaaciyeen.

Sunta waa hub siyaasadeed oo soo jireen ah, oo waxaa loo adeehsanayay dadka mucaaradka ah ama ka soo horjeeda qaar ka mid ah dowladihii kaligood taliska ahaa ee adduunka soo maray

Waxay noqon kartaa mid aan muuqan haddii, oo aan dhadhamin, ur lahayn, oo aan la ogaan karin marka meydka baaritaanka lagu sameeyo, sida qaar ka mid ah shaqaalihii shaybaarkan laga soo xigtay.

Mid ka mid ah dhibanayaasha, oo la oran jiray anti-Soviet émigré Lev Rebet qoraana ahaa ayaa 1957-dii la rumeysnaa inuu wadno-xannuun u dhintay ilaa uu gacan-ku-dhiiglihii xarunta KGB-ga afar sano ka dib uu sheegay inuu ku buufiyay hawo ama gaas sun ah.

Siyaasi kale ayaa lagu dilay walax lagu buufiyay laambad uu wax ku akhrinayay; kulaylkaii ka soo baxayay nalka ayaa sababay in ay sunta ku faafto qolka iyada oo aan wax raad ah lahayn.

Sida ay khubaradu sheegeen, intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, isticmaalka walxaha dareemayaasha iyo hubka kiimikada ee Soofiyeedka ayaa si cad u soo shaac-baxay. Waxaa lagu bartilmaansaday siyaasiyiintii mucaaradka ahaa, askartii goostay, dadkii qurbajoogta iyo madaxdii dhaqdhaqaaqyadii gobonimo doonka ee xilligii Soofiyeedka.

Waxaa la og yahay in KGB ay sii waday inay aamusiso cadawgeeda xilligii dabayaaqadii Soviet-ka.

Oleg Kalugin, oo ah General ka tirsanaa KGB, ayaa qirtay in Soofiyeedka ay ku lug lahaayeen shirqoolkii lagu dilay weriyihii BBC Georgi Markov ee sannadkii 1978-dii ee London.

Laakiin waxa aan si dhab ah loo garanayn, ilaa maantadan la joogo, ayaa ah in shaybaadhka ama xaruntaasi dhab ahaantii la xiray, ama in qayb ka mid ah ay weli ka jiro meel ka mid ah Ruushka.

Oo sannadkii 2018-kii nin horey u ahaan jirey basaas labo kaarle ah oo u shaqayn jirey sirdoonka Ruushka, laguna eedeeyay in uu la shaqaynayay Ingiriiska ayaa la qaadsiiyay maaddo halis ah oo sun ah, taas oo neerfaha hawlgab ka dhigta, waxaa sidoo kale suntan ay saaqday gabadh uu dhalay.

Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia ayaa aad ula il daran sunta saaqday 4-tii bishan Maarso ee sannadkii 2018-kii iyaga oo ku sugan magaalada yar ee Salisbury, UK.

Ra’isulwasaarahii Britain ee xilligaasi Theresa ayaa maaddadan ku sheegtay nooc lagu magacaabo Novichok oo ah magaca wadareed loo yaqaano noocyo kala duwan oo kiimiko ah.

Magaca Novichok oo ah kalmad Ruushiyaan ah ayaa loola jeedaa (Wax mardhow yimid) waxaana loo yaqaanaa koox curiyeyaal ah oo lid ku ah habka neerfaha qofka oo sameeyay intii u dhaxaysay 19070-kii illaa 1980-kii xiligii uu jirey xukunkii Soviet-ka.

Sanadkii 1999-kii saraakiil ka socota gaashaandhigga Maraykanka ayaa u safray dalka Uzbekistan si ay gacan uga siiyaan burburinta kayd hubka kiimikada oo ay ka tagtay dowladdii Soviet-ka oo halkaas ka talin jirtay.

Sida uu sheegay sargaal soo baxsaday, dowladaasi ayaa waxa ay goobahan ku bacrimin jirtay guntimo yaryar oo ka tirsan maadada Novichok, taas oo loo sameeyay qaab aysan ogaan karin dadka kormeerayaasha caalamiga ah.

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here