Jurrien Timber Oo Hal Wal-Wal Ka Qaba Ku Biirista Man United

118

Kooxda Ajax ayaa helaysa Kalsooni weyn oo ah in ay sii haysan doonto xiddiga daafaca uga ciyaara ee Jurrien Timber kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda man United sabab la xidhiidha in uu xiddigu wal-wal ka qabo ku biirista Man United.

Inkasta oo Erik Ten Hag muhiimadiisa siind oono saxiixa xiddiga Jurrien Timber si uu ugu xoojiyo daafaca dhexe hadana waxa jirta suurtagalnimo ah in uu xiddigu iska diidi doono Man United.

Kooxda Ajax ayaa diidan in ay lacag jaban ku lumiso xiddiga iyaga oo ku qiimeeya xiddiga lacag dhan 43 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay De Telegraaf, xiddiga Jurrien Timber ayaa wal-wal ka qaba in uu seego koobka adduunka hadii uu ku biiro kooxda Man United.

Xiddiga Jurrien Timber ayaan Man United ka helin balan qaad ah in uu si joogto ah ugu ciyaari doono kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Jurrien Timber ayaa Ajax ka haysta balan qaad ah in uu si joogto ugu ciyaari doono kooxda taas oo ka caawinaysa in uu ka qayb galo koobka adduunka.

Sidaas darteed xiddiga reer Holland ayaa iska diidi kara in uu u dhaqaaqo Man United hadii uuna ka helayn boos joogto ah kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here