Labada kooxood ee isku eryana horyaalka Premier League ee Manchester City iyo Arsenal ayaa guul-darraystay toddobaadkan, waxaana min hal gool oo madi ah kaga badiyey Tottenham iyo Everton, sida ay u kala horreeyaan.

Arsenal ay waxa Axaddii soo garaacday Everton oo khadka cas kaga soo baxday, sidoo kalena  Axddii ayay Tottenham saddexda dhibcood ka qaadatay Manchester City kulan uu ka maqnaa tababarahooda Antonio Conte oo qalliin lagu sameeyey.

Natiijadan ayaa waxay hiil u noqotay Arsenal oo sii haysata farqigeeda shanta dhibcood ee ay ku hoggaaminayso horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004 in ay ku guuleysato, waxaanay waliba arrintani imanaysaa iyadoo hal ciyaar baaqi u tahay Gunners.

Halyeygii Liverpool iyo xulka England difaaca uga ciyaari jiray ee Jamie Carragher ayaa saadaal cusub sameeyey kaddib guul-darooyinkii Arsenal iyo Man City ee toddobaadkan, waxaana uu sheegay in kooxda tababare Mikel Arteta ay ku guuleysan doonto horyaalka.

Carragher oo ka hadlayay Sky Sports ayaa yidhi: “Wali jid dheer ayaa loo marayaa ku guuleysiga horyaalka, laakiin waxa aad sugayseen in Man City hoggaanka timaaddo sababtoo ah si fiiccan ayaad u garanaysaan, laakiin anigu waxa aan dareensanahay in xilli-ciyaareedkan aanay fiicnayn oo ay ka duwan yihiin xilli ciyaareedkii hore. Man City ma aha middii hore.

Fikraddan ah inay samayn doonaan sidii ay ku sameeyeen Liverpool dhawr jeer oo ay horyaalka uga qaadeen, anigu ma hubo in y sidaasi dhacay. Waxay ila tahay in Manchester City ka duwan tahay sidii hore. Arsenal ayaa ku guuleysanaysa horyaalka