HomeCayarahaJamie Carragher Oo Raalligeliyey Hiliblaha Manchester United

Jamie Carragher Oo Raalligeliyey Hiliblaha Manchester United

Halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa raalligelin siiyey xiddiga lagu naanayso hiliblaha Manchester United oo uu bilowgii xilli-ciyaareedka shaki geliyey kartidiisa, awooddiisa jidheed iyo sida uu horyaalka Premier League u saldhigi karayo.

Erik ten Hag ayaa xagaagii waxa uu la midoobay Lisandro Martinez oo uu kasoo qaatay kooxdiisii hore ee Ajax, waxaana uu markiiba laacibkani muujiyey in uu yahay ciyaartoy halbowle ah oo lama-taabtaan ka ah Old Trafford.

Jamie Carragher oo markii ay Manchester United lasoo wareegtay Lisandro Martinez warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay ‘ciyaartoy jidh ahaan aad u yar oo aan xammili karaynin horyaalka Premier League iyo loollanka loo isticmalo awoodda jidheed, gaar.

ahaanna waxa uu farta ku fiiqay kubbadaha madaxa ah.

Lakiin Lisandro Martinez oo dhererkiisu uu yahy 5 fiit iyo 9 inji, ayaa waxa uu muujiyey in uu yahay libaax awood u leh inuu si fiican u difaaco kooxdiisa, waxaana uu Red Devils kula guuleystay Carabao Cup halka ay FA Cup taagan yihiin finalka oo ay la ciyaari doonaan Manchester City iyadoo xulka qarankiisa Argentina uu bishii December la qaaday Koobka Adduunka.

Jamie Carragher ayaa ugu dambayn qirtay in uu ku qaldamay Lisandro Martinez, waxaana uu yidhi: “Ma laha meelo uu ku liito haddii ay noqoto jidh ahaan iyo farsmao ahaanba, ciyaartoyda wanaagsanina way qariyaan gol-daloolooyinkooda. Ma aha ciyaartoy dheer, waxa se uu leeyahay awood kubadda ah iyo in uu difaaca kasoo dhiso kubadda sida Casemiro, waan ku qaldanaa waanan raalligelinayaa.”

Must Read

spot_img