Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Jabuuti oo lagu eedeeyey iney taageero Milateri siineyso Somaliland
    Dibadda

    Jabuuti oo lagu eedeeyey iney taageero Milateri siineyso Somaliland

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 9, 2023No Comments1 Min Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mucaaradka Jabuuti ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu taageero milateri siinayo Maamulka Somaliland si uu uga caawiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

    Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo War-saxaafadeed soo saaray ayay ku sheegeen in saraakiil ka socotay Somaliland ay gaareen Jabuuti ayna dhambaal ka socday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi gaarsiiyeen Madaxweyne Geelle.

    War-saxaafadeed ayaa waxaa lagu sheegay  in Muuse uu ka codsaday Ismaaciil Cumar Geelle inuu taageero milateri siiyo si ugu adeegsado dagaalka Laascaanood.

    “Ilaa dhamaadkii Janaayo 2023 iyo tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka mucaaradka Jabuuti.

    “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku xadgudbay qodobka 2-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, kaasoo aan ogolaanayn in la fara galiyo xukunka gudaha ee dawlad kasta ilaa ay jiraan khataro weyn oo nabadda caalamiga ah jebinaya,” ayay sidoo kale yiraahdeen mucaaradka Jabuuti oo Madaxweyne Geelle ugu baaqay inuusan dab ku sii shidin dagaalka ka socda Laascaanood

    Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) ayaa waxay sidoo kale ugu baaqeen dhinacyada isku haya Laascaanood inay aqbalaan dhexdhexaadinta Madaxweynaha Soomaaliya ayna xal ka gaaraan khilaafka sababay dagaalka.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleSomaliland oo sheegtay iney qabatay Maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab & Puntland
    Next Article 32 sano ka dib maanta dib loo howlgelinayo

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Daawo:- Muqaal Kowaad Dr’s Maryan Xaaji Cilmi ayaa tiri Abe ayaa kala hadlay Talyaaniga in MW Maxamed Siyaad askari qorta, Goormaa Gabdhaha Schoolka loo diray (wax badan ka ogoow Wareysiga)

    January 30, 2023

    Hoos ka Daawo Muqaal Xiiso badan Dr Maryan Xaaji Cilmi  qeybtii Kowaad ee Hanolato. https://youtu.be/kXTZjPl86qs

    Daawo:- Haddal-jeedintii ku aadaneyd xarig-jarka xafiisyadda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Wasiir Khadiijo M Diiriye oo dib u habeyn balaaran lagu sameeyay

    January 30, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.