Itoobiya oo lagu eedeeyay caburinta warbaahinta iyo beegsiga suxufiyiinta.
Bilihii la soo dhaafey booliska Ethiopia waxay xireen ugu yaraan 19 wariye, iyadoo aanan wax maxkamad ah la soo taagin, kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegey in dowladu si ku talogal ah u bartil-maameedsaneyso wariyayaasha si ay ugu cabsigeliso in ay faaf reeb iskood ah ku sameeyaan wararka la xiriria dagaalka Tigraay iyo arrimaha kale ka taagan Ethiopia.