Itoobiya ayaa lumisay saamigii ay ku lahayd dekedda caalamiga ah ee Berbera, kaas oo gaadhayey 19%
Somaliland ayaa sheegtay in Itoobiya buuxin weyday shuruudihii heshiiskii ay wada galeen Itoobiya, DP world iyo Somaliland 2017-kii.
“Itoobiya way ku guul-darraysatay inay buuxiso shuruudihii looga baahnaa inay saamigeeda ku hesho ka hor wakhtiga kama dambaysta ah, markaa hadda wax saami ah kuma laha,” ayuu yidhi Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda.